Maamulka Galmudug State ayaa wada qorshe maamul loogu sameynayo degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud, iyadoo sameynta maamulkaasi lagala tashanayo waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.
Madaxweyne ku xilgeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ku sugan degmadaasi ayaa wada tashi la leh dadka deegaanka, si loo xog wareysto maamulka ay ku qanacsan yihiin in loo sameeyo.
Arrimaha ugu weyn ee madaxweyne ku xigeenka u tagay degmadaasi ayaa ah in la sameeyo maamul haga dadka deegaanka, sidoo kalena la yimaada wax qabad muuqda.




From the comments