Gudniinka Frcooniga iyo guurka xiliga yaraanta ah ayaa loo aaneynayaa dhibaatooyinka la xiriira dhalmada ee ka jirta deegaanka Mandhera, dhibaatooyinka ay hooyada iyo dhalaanka la kulmaan waxaa ay ka badan yihiin kuwa Soomaaliya iyo dhamaan dunida inteeda kale sidaa waxaa sheegtay hay’adda qaramada Midoobey ee Tirakoobka.
Tirakoobkan waxaa ku cad in haween badan ay dhintaan xilliga dhalmada, tusaale ahaan 100,000-ba waxaa ka dhimata 3,700 oo haween xilliga fooasha.
Guddoomiyaha gobolkaas Cali Roba ayaa sheegay in maamulkiisa y lacag uga raadinayaan deeq bixiyaasha sidii loo heli lahaa qalab caafimaad oo wanaagsan




From the comments