Warar goor dhaw ina soo gaaray ayaa sheegaya in rag hubeysan ay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ku dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu marayey meel ku dhaw bacadlaha degmada X/weyne, waxaana dhaawacay rag hubeysan oo watay gaari la sheegay in aanu lahay Taariko sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil amni oo ku sugan degmadaasi.
Xildhibaanka ayaa rasaasta waxay ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, iyadoo xaaladiisa ay tahay mid aad u daran.




From the comments