Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay billaabeen in Qoysaska ku nool hareeraha wabiga inay u qaybiyaan jawaanno si dadku ay ugu hortagaan biyaha ka soo baxaya Wabiga Shabelle, xilli laga baqayo in fatahaad uu sameeyo.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Maamulkaas Cabdulaahi Xasan Cabdi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa Sheegay in weli aanu fatahaad billaabin Wabiga, balse ay dareemayaa culeys ah in Biyuhu ay soo socdaan.
Waxa uu sheegay in hadii Fatahaaddu ay soo gaarto degmada degmada Balcad ee Sh/dehxe, waxa ku xigi doona ay tahay degmada Afgooye, balse ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo lagu xirayo meelaha loo maleynayo in Wabiga uu kasoo fataho kahor fatahaad timaada.




From the comments