Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay oo ay gaareen saraakiil ka socotay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa waxay tababar u fureen ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Koonfur Galbeed.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaal Dowladda Federaalka ay ku doonayso dib u dhis in ay ku samayso Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka.
Ciidamadaan tababarka loo furay ayaa gaaraya Laba Boqol oo askari kuwaas oo ku biiri doono marka la tababaro Ciidamada Booliiska Maamulka Koonfur Galbeed.




From the comments