Guddiga doorashada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga ay dhacayso doorashada gudoomiyaha baarlamaankaasi, ka dib markii uu shaqadii ka tagay gudoomiyahii hore.
Qoraal ku taariikheysan maalintii shalay ahayd 07-11-2015 ayaa lagu sheegay in doorashadu ay dhici doonto maalinta berri ah (Isniin) oo taariikhda ku beegan 09-11-2015, Sagaalka subaxnimo.
Waxaa maanta oo ay ku beegan tahay 08-11-2015 ku eg araaji qabashada musharraxiinta u taagan xilka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.





From the comments