Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goor dhaw darbi uu kusoo dumay barakacayaal ku dhaqan kaam ku yaalla wadada Jeneraal Daa’uud, halkaasi oo la xaqiijiyay inay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay Seddax qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan halka ay wax ka dhaceen, iyadoo dadka dhaawaca ah ay caruur u badan yihiin.
Ciidamada AMISOM ee deggan Hoteelkii Sports ayaa gurmad u fidiyay dadka uu darbigaan kusoo dumay, iyaga oo Meydadka iyo dhaawacyada halkaasi kasoo saaray.




From the comments