Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay faragelin cad ku hayaan siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha ka jira gobalka Gedo.
Waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya markii ay arkeen in shacabka aanay aqbalayn waxa ay ka wadeen degmada Garbahaarey ay qorshe kale keeneen, kaasi oo ah in la’isku laayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Ciidamada Itoobiya xoog ayeey istcimaali jireen, laakiinse shacabka markii ay kahor tageen xeelad kale bay keeneen, waxay shiriyeen saraakiishii ciidamada xoogga dalka, waxay u sheegeen in ay dagaal ku qaadaan xarunta gobalka iyo sidoo kale goobaha uu deggan yahay maamulka Gedo, balse annaga waan la talinnay maamulka waayo ma rabno in la’isku dhameeyo ciidankeena xoogga dalka Soomaaliya, waxaan u sheegnay hadii ay yimaadaan in loo faarujiyo, sidaasi ayaana la sameeyay” ayuu yiri xildhibaan Magan.




From the comments