Maamulka isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel gobalka Galgaduud ayaa sheegay in dawo yari ay ka jirto Isbitaalkaasi, kaasi oo ah mid ay ku xiran yihiin dad badan oo ku sugan gobalkaasi iyo deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Agaasimaha Isbitaalka Istarliin, Cumar Cali Tarabi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in Isbitaalka dhanka daawada ay markii hore gacan weyn ka geysan jirtay hay’adda MSF, balse markii ay ka baxday ka dib ay isbitaalka dawooyin yar ay siiyaan Hay’adda Swiss taasi oo aan badneen.
Waxa uu tilmaamay in Isbitaalka ay hadda jiifaan Bukaanno, islamarkaana waxa ugu weyn ee dadka u qabtaan ay tahay in ay dadka u sheegaan xanuunka haya, ayna haystaan oo kaliya qalab casri ah.




From the comments