Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen Odayaal dhaqameed kusii jeeday degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyay Seddax qof oo ka mid ah Odayaashan ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen rasaastaasi, iyadoo aan lasoo sheegin dhaawac halkaasi ka dhashay.
Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud Maxamed C/weli Tooxow ayaa soo sheegaya in waxgaradkani ay ka baxeen degmada Guriceel, waxaana dableyda hubeysan ay u galeen meel ku dhaw degmada Balanbal.




From the comments