Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo wareysi siiyay Goobjoog News, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligaan wajahayso sidii loo qodi lahaa, loona baari lahaa shidaalka ku jira, hadii uu yahay mid ganacsi geli kara iyo in kale.
Waxa uu tilmaamay in la hubo shidaal badan inuu ku jiro Soomaaliya, maadaama dalal badan oo Afrika ka mid ah, gaar ahaan kuwa deriska la ah dalka laga helay shidaal.
“Waxaan filayaa qaabka loo baaro shidaalka inuusan ahayn qaab si degdeg ah lagu sahmiyo, macluumaadka aan hayno dhammaan waxa uu sheegayaa in Soomaaliya uu shidaal ku jiro, taana waxaa daliil u ah Laba Arrin, midda Kowaad qaab dhuleedka Soomaaliya waxay la wadaagtaa wadamada deriska ah, sida aan kuu sheegay kasoo billaaw Mozambique. Tanzania, Kenya, Uganda iyo Itoobiya dhammaan waxaa laga wada helay shidaal, marka Soomaaliya waxay dhul qaabeedkaasi la wadaagtaa wadamada deriska ah, taasi waxay dhiira gelinaysaa in Soomaaliya shidaal ku jiro, maadaama wadamada deriska ah laga helay, tan kale dhammaan calaamadaha muujinaya dhagaxa keediya shidaalka ilaa Sideed ayaa ku jira, Soomaaliya waxay isku diyaarinaysaa in la hubiyo, la qodo shidaalkeeda inuu yahay mid ganacsi geli kara iyo in kale” ayuu yiri wasiirka




From the comments