Wararka laga helayo gobalka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in gabal dhacii maanta weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Gaadiidkani oo marayay sida la sheegay meel ku dhaw deegaanka Carbiska ayaa lala eegtay weerarkan oo wararka qaar sheegayaan in gaari loo adeegsaday.
Qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada u ahaa Shariif Xasan ayaa la sheegay in ay soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, hase ahaaree lama oga khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay tiro ahaan.




From the comments