Roobab xooggan oo saacado badan ka da’ay gobalka Gedo ayaa sababay in fatahaad uu sameeyo Wabiga Jubba, iyadoo halkaasi ay ku baaba’een dalag beereed aad u badan.
Maxamuud Cali oo ah gudoomiyaha guddiga beeraleyda gobalka Gedo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khasaare badan uu soo gaaray Beeraleyda, dalag iyo Matooro badanna ay biyaha la tageen.
“Dalag wax walba isugu jira, sida qudaar iyo Galley waxaa kusoo fatahay Wabiga, roob ayaa Wabiga ku socday in ka badan 10 sacadood, subaxdii waxaan soo kacnay meel walba oo wada Biyo ah, beerihii waan geli weynay, markii biyaha yaraadeen 80 matoor ayaa meesha eber ku noqotay, iskaba daa dalagii” ayuu yuru Gudoomiyaha.




From the comments