Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyahii gobalka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyadoo gudoomiye cusub loo magacaabay gobalkaasi.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Ibraahim Aadan Cali waxa uu u magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo la doonayo inuu qabto shaqo badan oo gobalka ah.
Afhayeenka maamulka Gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Shiine oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in gudoomiyahaan cusub ay ka rajeynayaa wax qabad muuqda, isaga oo dhanka kale tilmaamay in gudoomiye hore Siidii uu shaqo badan qabtay.




From the comments