Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda ay caadi kusoo laabatay ka dib markii maanta halkaasi ay is rasaaseen ku dhex martay ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.
Lama sheegin is rasaaseentii maanta khasaare ka dhalatay, balse waxay sababtay in hakad uu galo isku socodka iyo ganacsiga bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Israsaaseyntani ayaa u dhaxaysa maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana ay timid markii ay adeegyo ganacsi ay is hor istaag ku sameeyeen maleeshiyaadka Puntland.




From the comments