Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku geeriyootay, 181 kalana waa ay ku dhaawacmeyn Labo Qarax oo mataana ah islamarkaana gilgilay magaladda Beirut ee caasimadda dalka Lubnan.
Laba qof oo bambaanooyin isku soo xiray ayaa isku qarxiyey wado aad u mashquul badan oo ku taala dhanka koonfureed xafadda ku taalla ee Burj Al-Barajneh oo ay ku xoogantahay kooxda shiicada ah ee Xisbullah.
Ururka IS ayaa sheegtay in ay iyagu weerarka ka dambeeyeen balse ma jiraan ilo ka madaxbanan kooxda oo xaqiijinaya in iyadu ay ka dambeyso.




From the comments