Ururka shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa arrin Qatar badan ku tilmaamay habka shaqaalaha muruq-maalka ah kuwooda gurayaha dhisa ay shaqadaasi u qabtaan.
Madaxa ururka shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa sheegay in shaqaalaha gacmahooda guryaha ku dhisa iyadoo aysan haysan gacmo gashi ka difaaca dhagaxa iyo shamiitada ay waxyeello ka soo gaarto shaqaalaha.
“Haisteeda ayeey leedahay marka qofka dhisaya guriga uu gacamahiisa oo aan gishad lahayn uu dhagax ku qaado, ama shamiinto ku qaso, waa dhibaato badan tahay” ayuu yiri Maxamed Cismaan




From the comments