Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar gabaldhacii shalay ay ciidamo ka mid ah Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobalka Shabellaha Hoose.
Dagaalkaasi oo socda daqiiqado badan ayaa la’isku adeegsaday hubka culus, inkastoo weli aan lahayn khasaaraha rasmig ah ee halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobalka Shabellaha Hoose Cali Nuurre Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in weerarkaasi aanu ahayn mid xooggan, ayna iska difaaceen ciidankii weerarka soo qaaday.




From the comments