Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaasi oo khasaare geystay.
Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen xarun lagu tababaro ciidamada, taasi oo ku taalla duleedka Bari ee magaalada Kismaayo.
Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa halkaasi ku geeriyooday, iyadoo dhaawacna uu jiro, balse lama hayo tirada rasmiga ah ee halkaasi ku dhaawacantay, iyadoo khasaaraha guudna uu intaasi ka badan karo.




From the comments