Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgal la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxay uga sameeyeen xaafadda Siliga ee degmada Wadajir, iyadoo rag u badan dhallinyaro lagu soo qabtay howlgalkaasi.
Qof ku sugan xaafadda ay ciidamada howlgalkaan ka sameeyeen ayaa u sheegay Goobjoog News, in intii uu howlgalka socday in aanu xaafadaasi ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi iyo midka dadweynaha intaba.




From the comments