Midowga ardayda Jaamacadaha Soomaliyeed (MAJSO) oo maanta magaalada Mogadishu kulan ku yeeshay ayaa waxay cambaareeyeen xad-gudubka cusub ee Kenya ay ka wado degmada B/xaawo ee Gobalka Gedo.
Gudoomiyaha Midowga Ardayda jaamacadaha Cumar Adan Rooble oo gabagabadii kulanka saxaafada la hadaly ayaa sheegay in ay khatar wayn soo wajahaday dalka, madaxweynuhuna ku qasbanyahay in uu moqifkiis cadeeyo
“Xadgudubka joogtada ah ee ciidamada Itoobiya iyo Kenya kusoo galaan dalkeena waan cabaaraynaynaa, dowlada Soomaliyana waxaan ugu baaqaynaa in ay mowqifkeeda cadayso oo ay si rasmi ah uga hadasho xaaladda xuduudda” ayuu yiri Cumar Adan




From the comments