Maamulka Puntland ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walba oo ganacsi kala soo degta deegaanada uu ka taliyo maamulka Galmudug, gaar ahaan garoomada Magaalada Cadaado iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Shalay ayaa ganacsade Qaad kala soo degay garooonka Galmudug ee Gaalkacyo waxaa lagu qabtay degmada Burtinle oo ka tirsan deegaanada Puntland, iyadoo qaadkaasi la gubay.
Cumar Faraweyne oo ah gudoomiyaha degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa mar uu la hadlay saxaafadda waxa uu sheegay inaysan u dulqaadan doonin ganacsi walba oo kasoo gala dhanka Galmudug, islamarkaana la gubi doono wax walba oo dhankaasi ka yimaada.




From the comments