Goobjoog

Dowladda Oo Baaraysa Dil Magaalada B/weyne Loogu Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Hay’adda Main Action

Waasaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacawday guddi baaritaan kusoo sameeya sarkaal u shaqeynayay hay’adda Main Action oo maalin kahor lagu dilay magaalada Baladweyne. Wasiirka Wasaaradaasi C/risaaq Cumar Maxamed oo…

Dowladda Oo Baaraysa Dil Magaalada B/weyne Loogu Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Hay’adda Main Action

Waasaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacawday guddi baaritaan kusoo sameeya sarkaal u shaqeynayay hay’adda Main Action oo maalin kahor lagu dilay magaalada Baladweyne.

Wasiirka Wasaaradaasi C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guddigaan uu ka kooban yahay 7 xubnood oo ka kala socda hay’adaha amniga kuna jiro xeer ilaaliyaha qaranka, kuwaasi oo maanta tagi doona magaalada B/weyne.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in la hayo 2 ka mid ah raggii dilkaasi geystay, islamarkaana la baari doono hadii ay jiraan dad kale oo dilka ku lug leh.

Ciidamada wax dilay ayaa ka tirsan ilaalada gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax, taasi oo xiisad ka dhalisay guud ahaan magaalada B/weyne.

Guddigaan maanta tagi doona magaalada B/weyne ayaa la filayaa in xal kama dambeys ah ka keenaan wixii dhacay, islamarkaana qaboojiyaan xiisadda ka jirta magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments