Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Magaalada Adis Ababa ayaa halkaasi kula kulmay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia, iyagoona kawada hadlay iskaashi ay yeeshaan labada dhinac.
Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia waxa uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya. Sida wada shaqayn dhexmarta dawlada Galmudug iyo Dowladda Ethopia kaas oo la xiriira iskaashi dhaqaale iyo mid Amni.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia oo warbaahinta hadal siiyay kulanka kadib ayaa sheegay in si dhow ay u wada shaqayn doonaan Ethopia iyo dawlada Galmudug, isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay wada shaqaynta dawlad gobaleedka Galmudug.




From the comments