Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubnihii dhawaan gaaray degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa isaga oo wareysi siiyay Goobjoog News, waxa uu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii ay kusoo arkeen xuduuda aan rasmiga ahayn ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Waxa uu sheegay in aan la siibin dhagxaantii gumeystaha uu Labada dhinac ku kala calaameeyay, balse waxa uu amaanay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Baladxaawo, taasi oo ku aadan feejignaanta ah in Kenya ay iska qodato xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada dal.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay u muuqatay yasitaan Kenya ay waddo kaasi oo ah in ay iska qodato xuduuda iyadoo aan Soomaaliya kala hadal.




From the comments