Golaha amaanka qaramada midoobay ayaa ku booriyay dowladaha dhamaan in ay ka qeyb qaataan la dagaalanka Daacish.
Golaha amaanka ayaa si aqlabiyad ah isku raacay in la labo laabo dadaallada lagula dagaalamayo Daacish oo ay sheegeen in ay tahay Khatar Caalami ah.
Qaraarkan waxaa xoogga saarayaa Daacishta ku sugan Dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyagoo dowladaha ugu baaqay in dadaalkooda ay mideeyaan.




From the comments