Ciidamada Dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Boolis ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Gabriile oo ismaamulkaasi ka tirsan.
Mid ka mid ah waxgarad ka barakacay deegaanka la sheegay in shacabkaasi lagu dilay ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in la dilay Afar qof oo Shacab ah, ka dib markii deegaankaasi ay soo weerareen 500 oo ciidamada Liyuu Boolis ah.
Waxa uu sheegay in dadka shacabka ah lagu amrayo inay ka guuraan deegaanadaasi, islaamrkaana aysan garaneyn dadku meel ay degaan.




From the comments