Wararka ka imaanaya gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in koox hubeysan ay dileen nin darawal ah oo kaxeeynayey gaari Homey ah, kaasi oo ka mid ah gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa magaalooyin Muqdisho iyo Marka.
Mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga uu waday Darawalka la dilay ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay kusoo wajahnaayeen Muqdisho, islamarkaana markii ay soo marayeen meel ku dhaw deegaanka Jilib Marka ay rasaas kala kulmeen koox hubeysan.
Waxa uu tilmaamay in rasaastaasi ay haleeshay darawalkii gaariga, islamarkaana uu halkaasi ku dhintay, goobtana ay ka baxsadeen raggii dilkaasi ka dambeeyay.




From the comments