Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku booriyay maamul gobaleedyada Galmudug iyo Puntland inay adkeeyaan qodob walba oo heshiis ah, si loo helo xasilooni waarta oo ka dhalata magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu tilmaamay xildhibaanka inay aad uga xun yihiin dhib walba oo ka dhacay magaaladaasi, sidoo kalena uu dhankiisa ku baaqayo ka shaqeynta nabadda, xasiloonida iyo is dhexgalka bulshada.
“Hadalkayga waxa uu yahay ilaaliya nabadda, u dhega nuglaada nabadda, la ilaaliyo dhiigga walaalaha isku dhamaanaya, caqli uu taliyo, dhib wax uu tarayo malahan, Odayaasha ku howlanna waxaan leeyahay si dhab ah u gala nabadda, xabadda hala joojiyo, hana la qorsheeyo sidii loo heli lahaa amni waara” ayuu yiri xildhibaanka




From the comments