Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland (Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali).
Heshiiskan oo ka kooban afar qodob, ayaa ah mid lagu soo afjarayo dagaal dhowaan magaaladaa Gaalkacyo ku dhexmarey ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.
“Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda’’.




From the comments