Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in marnaba aanay sii socon karin in shacabka magaalada Gaalkacyo ay ku noolaadaan qaab nabad aan ahayn colaadna aan ahayn, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo is bedal badan.
Waxa uu sheegay in maamullada Puntland iyo Galmudug laga doonayo inay fuliyaan waajibaadka saaran, nabaddana ay tahay mid ka go’da shacabka, balse ka madax ahaan ay abuuri karaan jawi nabadeed.
“Masii socon karto sidii loogu noolaa Gaalkacyo ee Nabadda iyo Colaadda midna aan ahayn , waxaa loo baahan yahay in la abuuro jawi nabadeed, is gacan qaadkeena kaliya nabadda kuma imaanayso, nabadda waxa keeni karaa waa shacabka, Puntland ay waajibkeeda kasoo baxdaan Galmudugna sidaas oo kale, madaxda Labada dhinac iyaga waxay abuuri karaan jawi nabadeed” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.




From the comments