Wariye Hinda Xaaji Maxamed oo ka tirsan warbaahinta dowladda ayaa goor dhaw ku dhaawacantay qarax Miino oo la sheegay in uu ku xirnaa gaari ay wadatay.
Qof goobjooge ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in mar qura ay ka warheleen gaariga Hinda ay wadatay oo ahaa nooca Kaaribta loo yaqaan oo qarax uu ka dhex dhacay.
Waxaa soo gaaray dhaawac xooggan sida ay inoo sheegeen wariyeyaal haatan la jooga mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho oo lagu daaweynayo.




From the comments