Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in la kala qaado ciidamada Puntland iyo Galmudug ee ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Heshiiskii 2-dii bishaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa qodob ka mid ah waxa uu ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu kala qaado ciidamadii ku dagaallamay magaaladaasi.
Guddi loo xilsaaray ka shaqeynta kala qaadista ciidamadan ayaa ku howlan sidii ay maanta usoo gaba gabeyn lahaayeen arrintaan, si loo sii guda galo qodobada kale ee heshiiska.



From the comments