U bood dhigaalka

FBI-da Maraykanka Oo Baareysa In Weerarkii California Ahaa Mid Argagaxiso

Sheeko:Dalka

FBI dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay hadda baarayaan in toogashadii ka dhacday magaladda San Bernardino ee gobolka California ay aheyd mid argagixiso iyo in kale.

David Bowdich, oo ah kaaliyaha agaasimaha FBI ee xafiiska Los Angeles, ayaa sheegay in Labada ruux ee weerarka geystay ay isku dayeen in ay baabi’iyaan dhammaan daliilaha laga heli karay habka weerarka loo soo abaabulay, iyaga oo bur buriyey moobeeladoodii gacanta kadibna qashin qub ku tuuray.

Looyaro  matalaya eheladda Labadda ruux ee wax toogatay ayaa xusay in xaalad nxdin leh ay la soo daristay eheladda Faaruuk oo la aaminsanyahay isaga iyo xaaskiisu in ay xasuuqeen shacab Mareykan ah.

Suxufiyiinta ayaa loo fasaxay in ay galaan gurigii laga soo abaabulay weerarkii San Bernardino ayaa halkaa ku arkay Dukumiintiyo ay la haayeen dadka weerarka geystay, waxyaabii Kaamiraddu qabatayna waxaa ka mid ahaa Kitaabo Qur’aan ah oo ay lamaanuhu aqrisan jireen.

Warbaaihinta  dalka Maraykanka ayaa faafisay in Tashfeen Malik oo aheyd haweyneydii dhacdadani ku lugta la heyd ay soo dhigtay barteeda Facebook balanqaad la xiriira in ay ku biirtay ururka Daacish, taas oo wal wal badan abuurtay.

FBI iyo Aqalka cad ayaa labaduba ka gaabsaday in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan jiritaanka warkaa.

Weerarkii San Bernardino oo ka dhacay xarun dadka baahiyaha gaarka ah qaba lagu daryeelo ayaa waxaa ku geeryooday 14 ruux halka ay ku dhaawacmeyn 21 kale oo qaarkood dhaawacoodu uu halis yahay.

Goobjoog News