Xildhiaan Fadhaaye oo ka tirsan Xildhibaanada Federaalka oo ku sugan Galkacyo kana qeybgalaya Qado ay Puntland ku sameysay Waqooyiga Galkacyo ayaa sheegay in ay socdaan geediga ciidankii isku kor fadhiyay Magaalada Galkacyo.
Xildhibaan Fadhaaye“ Socdaal iyo Geediga Ciidanka Galkacyo isku horfadhiyay ayaa Socda, Marka la dhameeyo 4:ta Galabnnimo, waxaa Kormeeri doonaa Furimaha ay fadhiyeen Ciidamada iyo Gaadiidka Dagaalka” ayuu Goobjoog News u sheegay.
Xildhibaanka waxaa uu intaa ku daray in Ciidanka ay ka bixi doonaan maagalada Galkacyo iyagoo dagi doona ilaa 30 KM halkaas oo Beri Ra’isul Wasaaraha u dalbay in loogu hilib qalo ciidanka.



From the comments