Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan deegaanna ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa xilligaan ka deyrinaya xaaladooda nololeed, ka dib markii ay waayeen cunno ku filan iyo deegaan wanaagsan.
Deegaanada kala ah Ceelsha Biyaha iyo Lafoole waxaa ku yaalla xerooyin barakacayaal ah, waxaana ku dhaqan dad badan oo kasoo barakacay goballo ay ka mid yihiin Baay iyo Bakool, waxaana dadkaasi ay sheegeen in ay xaalad adag ku sugan yihiin.
Qaar ka mid ah horjoogayaasha dadkani oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxay sheegeen in aysan haysan Raashiin ay cunaan, Biyo, iyo meel ay qabowga iyo Cadceedda ka galaan.



From the comments