Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in maamulka Puntland looga baahan yahay in ay aqoonsadaan maamulka Galmudug State, Galmudug iyana ay ixtiraamto maamulka Puntland maadaama uu ka horeeyay.
Hadalkaan ayuu Axmed Madoobe ka sheegay shirkii lagu heshiisiinayay maamullada Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.
“Puntland waa dowlad gobaleedkii ugu horeeyay 18-sano ayeey jirtay, waxaa laga rabaa inay cid kasta oo gadaasheed dhalatay inay gardaadiso oo horumarka iyo guusha kusii wado, waa qasab Galmudug inay la shaqeyso walaalahooda Puntland u aqoonsadaan dowlad gobaleed iyaga ka horeeyay lana shaqeeyaan, Puntland waxaa qasab ku ah inay aqoonsato maamulka deriska la ah ee Galmdug, la shaqeynaya ay wax ka dhaxeeyaan oo aanay noqon inay iska indha saari karayso, qolo walba waxaa la rabaa inay qaadaan wadada dhabta ah ee ay leeyihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.




From the comments