Mareykanka Oo Beeniyay In Ciidamadooda Cirka Ay Duqeyeen Saldhigyo Ay Daganaayeen Ciidamada Dalka Siiriya

Dowladda Maraykanka ayaa been abuur ku sheegtay wararka sheegaya in ay duqeyn dhanka cirka ah la eegatay saldhiyo ay deganaayeen ciidamada wadanka Siiriya.
Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Suuriya ay ku eedeysay Mareykanka in uu duqeyn ka geystay xarumo ciidan oo ku yaalla bariga siiriya halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan Seddax Askari kuwa kalena lagu dhaawacay.
Haddii weerarkani uu sax noqdo in ay ka dambeysay dowladda Mareykanka waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo isbaheysiga Mareykanku uu hogaaminayo ay beegsadaan baraha ciidamadda dalka Siiriya.
Weerarkan ayaa ka dhacay xerada Military ee Saeqa oo u dhaw magaladda Ayyash oo ku taalla gobolka Deir Ez Zor.
Goobta la duqeeyey waxaa awood badan ku leh ururka Daacish waxaana ka dhaca weeraro isdaba joog ah oo Mareykanku halkaas ka geysto.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Siiriya ayaa Isniintii sheegtay in afar ka mid ah diyaaradaha dagaalka isbaheysiga mareykanku uu hogaamiyo ay dhowr gantaal ku garaaceen xarumaha ciidamadooda oo ay dileen 3 askari 13 kalana ay ku dhaaween weerarkaa.
Dowladda Siiriya ayaa sheegtay in Qaramadda Midoobay u gudbisay cabashada arrintan ku saabsan oo ay ka fileyso in dhacdadaa cambaareyso.
Goobjoog News