Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya kulamo lagu doonayo in lagu xalliyo dagaal beeleed dhawaan ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.
Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug ayaa ku sugan magaaladaasi, kuwaasi oo si gaar gaar ah ula kulmi doona dhinacyadii ku dagaallamay magaaladaasi.
Habeenkii xalay waxaa magaalada Baladweyne ka dhacay kulamo lagu baadi goobayo nabad ka dhalata magaaladaasi.




From the comments