Wararka ka imaanaya magaalada Barbara ee gobalka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliyahii ciidanka Birmadka ee degmadaasi u qaabilsanaa maamulka Somaliland.
Mid ka mid ah ciidamada ilaalada u ahaa taliyaha ayaa la sheegay inuu ku toogtay saldhigga dhexe ee degmada Berbera Hortiisa.
Ciidamada ilaalada ka ahaa saldhigga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan askarigii dilkaasi geystay, kaasi oo saldhigga lagu xiray.




From the comments