Ciidamada Booliiska degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa degmadaasi iyo nawaaxigeeda waxay ka billaabeen howlgallo ka dhan ah Beerista Maandooriyaha loo yaqaano xashiiska.
Maxamed Siyaad Cali oo ah taliyaha saldhigga Booliisa degmada Jowhar oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa xaqiijiyay in ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ku mashqulsanaa Beerista maandooriyaha xashiishka, kuwo kalena ay ku howlan yihiin.
Waxa uu tilmaamay in rag badan oo horay usoo qabteen ay maxkamadda Gobalka Banaadir usoo gudbiyeen, lana xukumay, haatanna ay wadaan howlgallo kale oo lagu baacsanayo dadka ku mashquulsan maandooriyaha.




From the comments