Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan deegaanadooda ay mamnuuc ka tahay Isbaaro ama jidgooyo loo dhigto dadka shacabka ah, islamarkaana ay la dagaallami doonaan cid walba oo arrintaasi ku howlan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada maamulkaasi isku raaceen in la dhaqan geliyo dhowr qodob oo amniga wax looga qabanayo.
Waxa uu tilmaamay Guureeye in amar buuxa lagu siiyay ciidamada amniga inay u istaagaan difaaca shacabka, ayna cagta mariyaan cid walba oo isbaaro u taallo.




From the comments