Dowladda Maraykanka ayaa Bogaadisay Shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee ku soo dhammaaday maalin ka hor magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena.
Warbixin dheer oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu amaanay dadaalka ay madaxda Soomaalida ugu jiraan sidii la’isugu raaci lahaa hanaan doorasho oo loo dhan yahay sanadka 2016-kana dalka ka hirgesha.
Waxay ku booriyeen dhammaan Soomaalida qeybta ka ah Madasha in ay iska ilaaliyaan wax walba oo iyaga sii kala fogeen kara, meelna isugu yimaadaan, oo ay adkeeyaan sidii loo heli lahaa go’aan mid ah, heshiis kama dambeys ah oo ay ku gaaraan shirka 10 January la filayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo.




From the comments