Madaxweynaha Rwanda Oo Mar Saddexaad u Tartami Doona Doorashada Dalkaasi

Shacabka dalka Rwanda ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in madaxweynaha dalkaasi Paul Kagame uu isku soo taago jagada madaxtinimo ee dalkaa markii Saddexaad.
Ku dhawaad codadka la tiriyey waxa ay hoosta ka xariiqeen in dad gaaraya 98% ay taageereen isbadallo lagu sameeyo dastuurka dalka, taas oo awood u siin doonta madaxweyne Kagame in uu tartamo 2017 marka uu dhammaado xiligiisa jagada madaxtinimada dalkaa.
Mr Kagame, oo 58 jir ayaa awooda dalkaa sii heyn doona sida muuqata ilaa 2034 kadib marka la meel mariyo isbadaladaa.
Codbixinta ayaa dhacday waqti eedeymo kulul dalkaasi uga imaanayaan dalal uu ka mid yahay dalka Mareykanka iyo wadamo kale oo reer galbeed ah kuwaas oo Rwanda kaalmooyin siiya.
Guddiga Rwanda u qaabilsan doorashooyinka ayaa sheegay in 21 kamid ah 34 degmo natiijadoodii la shaaciyey, waxaana natiijada oo dhammeystiran la filayaa in la shaaciyo goor dambe oo maanta ah.
Mr Kagame wali kama hadlin in uu mar Saddexaad xilka madaxtinimada u ordi doono iyo in kale waxaase aad loo filayaa in uu sheego Musharraxnimada.
Mr Kagame mar la weydiiyey in uu tartamayo iyo inkale waxa uu sheegay in taasi ay ku xirnaan doonto rabitaanka shacabka dalka Rwanda.
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweynaha dalka in uu shaqada ka tago markii la gaaro 2017, si loogu ogolaado dhalinyarada dalkaa in ya qabtaan hogaanka dalkaasi.
Kooxaha u ola oleeya xaquuqda aadanaha ayaa si is daba joog ah ugu eedeyey dowladda dalkaa in ay cadaadis ku heyso warbaahinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Ururka yar ee mucaaradka ah ee dalkaa ka jira ee Democratic Green Party ayaa sheegay in dowladdu ay ka hor istaagtay olole ay ka wadeen dalkaasi.
Mr Kagame ayaa dalkaa ka talinayayey tan iyo sanadkii 2000 inkastoo jabhadii uu ka mid ka ahaa awooda dalkaa ay heysatay tan iyo 1994, markaas oo uu mucaaradku soo galay magalada Kigali ee caasimada dalkaasi.
Goobjoog News