Burcad Badeed Soomaali ah ayaa weerar khasaare sababay ku qaaday Kalluumeysato u dhalatay dalka Iiraan, kuwaasi oo ka kallumeysanayay xeebaha Soomaaliya
Ku xigeenka madaxa ururka kalluumeysiga ee dalka Iiran ninka lagu magacaabo Ali Askar ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah kalluumeysatada qaar kalena lagu dhaawacay weerarka.
Wuxuu intaas ku daray inay marar badan kula taliyeen kalluumeysatada inay u safraan xeebaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaankooda islamarkaana haddii ay Qatar arkaan ay kusoo wargeliyaan maraakiibta dagaalka ee dowladda Iiraan si loo badbaadiyo.




From the comments