Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa sheegay in marnaba maamulkiisa aanu aqbli doonin in la sameeyo cadaalad darro la xiriirta hanaanka wax loo qeybsanayo.
Waxa uu sheegay in shirkaasi uu geeyay aragtidii shacabka Koonfur Galbeed ee ahayd in xildhibaanada 2016 lagu soo xulo nidaamka qabiilka ah ee 4.5.
Waxa uu Shariif Xasan hoosta ka xariiqay in qaabkaasi ay u arkeen cadaalad, islamarkaana Soomaalida ay wax ku qeybsan karto, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments