Yuusuf Dabageed Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka gudoomiyaha gobalka Hiiraan loogu magacaabay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Wareegtadaan ayaa sidoo kale xil ka qaadis loogu sameeyay gudoomiyahii Hore ee gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.
Hadaba wareegtada ayaa sidaan u qorneyd:-
MADAXWAYNAHA J.F.S
MarkuuArkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.
Markuu Arkay : Sharci Lr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka
Markuu Tixgaliyey : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee December 19, 2015 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraaniyo Soo jeedintaWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
Markuu Garwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyadoo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlka dalka si ay mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
Qodobka 2aad
Waxa uu Xeerkaan u dhaqan gelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud