Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe waxaa goor dhaw gaaray xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Xubnaha waxaa horkacayay wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Caymooy, waxaana ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi iyo sidoo kale Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland.
Wadigan ayaa wada sida la sheegay dawo ay ku deeqday dowladda Finland, taasi oo la garsiinayo shacabka Jowhar.




From the comments