Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee madaxweynaha ku wehlinaya safarka uu ku joogo magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dhammaan beelaha ku dhaqan gobalkaasi ay soo dhaweeyeen arrimo badan oo madaxweynaha uu kala hadlay.
Waxa uu tilmaamay in kulamadii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay Odayaasha dhaqanka ay soo dhaweeyeen arrimaha ku aadan maamulka la sameynayo iyo sidoo kale wareegtadii dhawaan madaxweynaha uu ku shaaciyay caasimadda maamulkaasi cusub ee la dhisayo iyo sidoo kale halka shirka lagu qabanayo.
“Dhammaan kulamadii madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeelanayay Odayaasha dhaqanka ee beelaha deggan gobalka Hiiraan goobjoog ayaan u ahaa waxaan arkay dad wada qanacsan, soona dhaweeyay wareegtadii madaxweynaha, waxaa jiray beello sheegay inay dib isugu laabanayaan, balse inta badan reer Hiiraan wey soo dhaweeyeen wax walba oo madaxweynaha ula tagay” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments