Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed ayaa sheegay in degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool ku qaban doonaan shir lagu dhisi doono maamul ka madaxbanaan maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Cismaan Shuuriye oo ka mid ah mudanayaashan ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacabka ku dhaqan gobalka Bakool ay tashteen una midoobeen in ay sameystaan maamul gobaleed iyaga u gaar ah.
Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Shuuriye in shirkani uu yahay mid weyn oo ay ka qeybgali doonaan dhammaan beelaha deggan gobalka Bakool, marka horena ay ku dhawaaqi doonaan inay ka go’een Koonfur Galbeed.




From the comments